War Deg Deg:-Dagaal laga cabsi qabo in oo dhex maro Soommaaliland iyo Puntland……

Sida ay sheegayaan wararka nooga imanaya magaalooyinka Laascaaanood iyo Ceerigaabo ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Somaliland ee ku sugan jiiddaha hore ee deegaanada gobolada Bariga Somaliland ay heegan culus galeen.

Wararka ayaa waxaa ay intaas ku darayaan in Ciidamadan heeganka culus galay ay dareemayaan dhaq-dhaqaaq iyo farogalin ay damacsan tahay in maamulka Puntland deegaanada xuduudaha ah ee gobolada Sool,Sanaag,iyo Cayn kuwaas oo ay doonayaan inay ka qoraan ciidamo dowladda dhaxe loo sameeyo.

Xogaha ay warbaahinta Allbanaadir.com heleyso ayaa sheegaya in xalay ay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag ay ka baxeen dhawr guuto oo ciidamada Somaliland ah,kuwaas oo kusii jeeda deegaanada Xuduudka ah ee Somaliland,waxaana ay ciidamadani yihiin kuwo gaashaamaan.

Ugu danbeyn waxa laga cabsi qabaa in deegaanada xuduuddda ah uu dagaal ku dhex maro ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland.

Comments

comments

Powered by Facebook Comments

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Click here to add Widgets