Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galaya xus weyn oo dhowaan lagu qabanayo Garoowe

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu dabayaaqada bishan booqasho ku tago Puntland.

Farmaajo ayaa booqashadiisa waxaa lagu beegay 19-guuradii ka soo wareegtay xuska aasaaska dowlad goboleedka Puntland oo ku aadan 1-da Bisha August oo labo todobaad ay naga xigto.

Diyaargarowga xuska sanadguurada Aasaaska Puntland ayaa si weyn looga dareemayaa magaalada Garoowe, waxaana aad loo adkeeyey amaanka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa marka uu tago Puntland inuu Booqdo xarumaha Maamulka Puntland isagoo kulamo la yeelan doona qeybaha bulshada waana safarkiisii ugu horeeyey ee uu Puntland ku tago tan iyo markii xilkaas loo doortay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa horey u booqday xarumaha maamul goboleedyada qaarkood sida Baydhabo, Cadaado iyo Kismaayo, waxaana u harsan magaalooyinka Garoowe iyo Jowhar.

Comments

comments

Powered by Facebook Comments

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Click here to add Widgets