Diyaaradaha Kenya oo duqeymo kuwada Saldhigyo ay leeyihiin Shabaab

Wararka ka imaanaya Degaanka Kibis oo hoostaga Degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Diyaaradaha Dagaalka Kenya ay Maanta Duqeeyeen,waxaana Duqeymaha lala beegsaday Fariisimo Al-shabaab ay ku leeyihiin Degaanka Kibis.

Saraakiil ka tirsan Milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in Duqeynta lagu dilay Dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab oo ku sugnaa Degaanka Kibis ee Gobolka Gedo Koofurta Soomaaliya.

Kenya weli wax Faah-faahin ah kama bixin Duqeynta Diyaaradaheedu ay ka fuliyeen Duleedka Magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo.

Comments

comments

Powered by Facebook Comments

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Click here to add Widgets