DHAGEYSO:Puntland oo soo saartay go,aan aad loogu farxay ee ku aadan amniga Mudug..

Maamulka Puntland ayaa waxa uu sheegay in uu si aad ah u adkeynayo ammaanka degaanada gobolka Mudug, gaar ahaan qeybta ay maamusho Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland C/xakiin Xaaji Cumar (Camey) ayaa sheegay hadii ay yihiin Puntland, Xukuumad iyo shacab in ay diyaar u yihiin Nabadgalyo, ayna u hurayaan waqti, dhaqaale, rabitaan iyo dulqaad.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ay la hadleen Madaxda maamulka Galmudug, si loo ambaqaado howsha ku aadan sidii gobolka Mudug looga hirgelin lahaa Nabadgelyo dhab ah.

C/xakiin Xaaji Cumar (Camey) Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland ayaa ugu dambeyntii sheegay in ay arkeen dhibta uu leeyahay dagaalka, loona baahan yahay in waqti la siiyo Nabagelyada.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO WARBIXINTA

Comments

comments

Powered by Facebook Comments

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Click here to add Widgets