DHAGEYSO: Xildhibaan ku baaqay in la kordhiyo Mushaarka Ciidanka

Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo ka mid ah Xildhibaanada  Golaha Shacabka ayaa ku baaqay in la kordhiyo Mushaarka Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed si loo xaqiijiyo Ammaanka Guud ee dalka Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in Shaqaalaha Rayidka ah oo aan waxba qaban ay qaataan Lacag aa u badan , islamarkaana Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee Shaqadda ku jira har iyo habeen in lasiiyo lacag aan ku filneyn 10 Bari.

Xildhibaan Xidig ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la xaqiijiyo Ammaanka guud  ee Soomaaliya, si taasi loo gaarana Wasaaradda Maaliyadda laga doonaayo in ay kordhiyaan Mushaarka ay qaataan Ciidamada.

HALKAAN RIIX SI AAD U DHAGEYSATO WARBIXINTA

Mas’uuliyiinta dowladda ayuu ugu baaqay in ay wax ka qabtaan dayaca ka muuqda Ciidamada.

Comments

comments

Powered by Facebook Comments

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Click here to add Widgets