Dhageyso: Wax qabadka Dowlada MD Farmaajo (Akhriso 10-qodob oo Muhiim ah)

Maxamed Cabdulalahi Farmaajo,Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay dowladda Cusub ee Sooamaliya ee uu hoggaamiyo mudadii dhowrka Bilood aheyd o ay jirtay.

HALKAAN RIIX SI AAD U DHAGEYSATO WARBIXINTA

 

Madaxweyne Farmaajo,ayaa soo bandhigay ilaa ku dhawaad 10 Qodob kuwaas oo uu sheegay in inta badan ay ku guuleesteen.
1:- joogteynta Mushaaraadka Hay’adaha dowladda sida Baarlamaanka Xukuumada, Madaxda amniga iyo Shaqaalaha Rayidka.

2:- Ka guul gaarida xakameynta Hubka Sharcidarada ah ee lagu watay muqdisho qaadista Jidgooyooyinka lagu dhibaateynayay Shacabka Soomaaliyeed.

3:- Guulo laga gaaray shirarkii Caalamiga ahaa sida shirkii London,kaas oo lagu guuleestay qorshaha Horumarinta Qaranka.
4:- Xoojinta iyo wadashaqeynta Madaxda maamul goboleedyad dalka kajira.

5:- Dib u hanada Saxiixa kuwa deeqaha ku bixiya Magaca Ummadda Soomaaliyeed awoodaas oo ka maqned Gacanta dowladda.

6:- Dib usoo celinta in uu Shaqeeyo xili habeen ah Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada muqdisho iyo hagaajinta duulimaadayada tooska ah ee Muqdisho ilaa Nairobi.

7:- Dhamestirka dib u hanashada Maamulka Hawada Sooamaliya ka hor dhamaadka Sanadkaan oo la rajeynayo in Gacanta dowladda ay soo gasho.

8:- Guul ka gaarista in ay hehsiis la galaan dhowr Wadan oo ay ku xiran yihiin Muwaadiniin Soomaaliyeed si ay xuriyadooda u helaan.

9:- Dib u habeenta qabka loo maareeyo dhaqalaha soo gala dowlada Federaalka Soomaaliya.

10:-Qabsoomida Shirar gogol xaar u ah dib u heshisiinta dhabta ah ee uu dalkeena u baahan yahay

Comments

comments

Powered by Facebook Comments

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Click here to add Widgets