DHAGEYSO: Faahfaahin Shirweynaha Dib u’eegista dastuurka

Wasiirka Wasaarada Dastuurka ee Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil oo wareysi siiyay Idaacada Risaala ee Muqdisho ayaa ka warbixiyay Shirweynaha dib u eegista Dastuurka Dalka.

Waxa uu sheegay in Bartamaha bisha soo socoto ee Agoosto la qabanayo Shirweynaha dib u eegista Dastuurka Dalka isla markaana ay ka qeyb galayaan dhamaan dadka Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa tilmaamay in Shirarka wadatashiga ah ee hanaanka dib u eegista Dastuurka la soo gabagabeyn doono 24 bishaan Julaayo waxa uu shirarkaasi ku sheegay iney yihiin shirar wadatashi oo ka socda Magaalooyinka Maamul goboleedyada Dalka.

Wasaarada Dastuurka ee Xukuumada Soomaaliya ayaa wada dadaaladii ugu dambeeyay ee dib logu eegayo Dastuurka, Waxa ay Wasaaradu bilihii ugu dambeeyay Shirar Wadatashi ku qabatay Caasimadaha Maamul goboleedyada Dalka sida Caasimada Maamulka Puntland ee Garoowe.

HALKAAN RIIX SI AAD U DHAGEYSATO WARBIXINTA

Comments

comments

Powered by Facebook Comments

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Click here to add Widgets