Dab ka kacay dhisme ku yaala oo Dad badan ku dhinteen….

Dhismayaal Dad Rayid Ah Deggan yihiin oo ku yaalla waddanka Shiinaha Bariga meel uga beegan ayaa waxaa ku dhintay 22 Qof iyadoo Seddex Qof kale ay ku dhaawacmeen Axada maanta ah sida Warbaahintu sheegtay.

Saraakiil uhadashay Magaalada Changshu,Gobolka Jiangsu ayaa sheegay in 80Km ujirto Wuqooyi Galbeed Magaalada SHanghai Ee Caasimada Labaad Dalka Shiinaha.

Saacada markii ay aheyd 4:30 Aroornimadii Saaka ayaana dabkaasi uu bilowday iyadoo Kooxaha Gurmadka ay Dadaal badan sameeyeen.

Waxaa la arkayey Ambalaasyo goobta kusii qul qulaya iyo dad lasoo badbaadinayey mana jirto ilaa hadda si rasmi ah oo loo og yahay khasaaraha.

Maamulka Deegaanka ayaa waxay sheegeen inay socoto baaritaan lagu ogaanayo waxa keenay in dabka uu kaco.

Comments

comments

Powered by Facebook Comments

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Click here to add Widgets