Ciidamada AMISOM oo Gaari marsiiyay Dad Shacab ah.

Wararka ka imaanaya deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in gaadiid ay leeyihiin Ciidamada Nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee AMISOM ay halkaasi ku dileen sadex nin oo dhalinyaro ahaa.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in Sedex gaari ay wateen ciidamada AMISOM in ay jiireen sadexda wiil oo saarnaa Mooto nuuca Dhug dhugleyda ah, waxaana wararka aan helnay sheegayaan in sadexda gaari ee AMISOM wateen ay wada jiireen dhalinyaradaasi .

Sida aan Wararka ku helnay Ciidamada AMISOM ayaa goobta uga dhaqaaqay meydadka sadexda dhalinyaro ay gaadiidkooda jiirsiiyeen, waxaana mid kamid ah dhalinyarada geeriyootay la sheegay in uu ahaa askari katirsan ciidanka dowlada.

Dhinaca kale dad ka careesnaa shilkan ciidamada AMISOM ku dileen dhalinyaradan Soomaaliyeed ayaa banaan bax isugu soo baxay Deegaanka Ceelasha Biyaha , waxa ayna dadkan ka careesnaayeen arxan darada ciidamada AMISOM .

Wali ma jiro wax war ah oo ka Soo baxay taliska Ciidamada AMISOM oo ku aadan dhalinyaradan ay gaadiidkooda ku dileen, dowlada Soomaaliya ayaan sidoo kale ka hadlin dilkan ciidamada AMISOM u geesteen muwaadiniintan Soomaaliyeed.

Ciidamada AMISOM ee ku sugan qeybo kamid ah Soomaaliya ayaa marar badan dilal araxn daro ah u geesta Shacab Soomaalieed, waxaana gaadiidka Ciidamada AMISOM marar kala duwan la jiirsiiyay muwaadiin Soomaaliyeed kuwaa oo qaarkood aan dhiigooda looga magin Ciidamada AMISOM.

Comments

comments

Powered by Facebook Comments

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Click here to add Widgets